Dumarka Raga Ay Jecelyihiin Waa Kuwo 10-Kaan Leh (2024)

Muqdisho (Cishqi) – Maxay jecelyihiin dumarka? Waa kuwee dumarka raga ay jecelyihiin ama ay ka helaan, jawaabtu waa mid fudud.

Marka la isweydii waa kuwee dumarka raga ay jecelyihiin, durbaba rag fara badan ayaa ku jahwareerayo. In kastoo dumarka raga ay ugu jecelyihiin ay horay u soo bandhigeen, hadana rag fara badan ayeey weli ku adag tahay in ay fahmaan.

Hadaba aan kula wadaagno 10 calaamadood oo kuu qishayo dumarka raga ay ka helaan ama ay jecelyihiin.

Dumarka Raga Ay Jecelyihiin Waa Kuwo 10-Kaan Leh (1)

Dumarka Raga Ay Jecelyihiin waa kuwo leh 10 kaan calaamad

Calaaamadahaan soo socdo ayaa ah calaamado inta badan ay dumarka ka fiiriyaan raga. Waana calaamadaha ugu badan ee lagu garto dumarka raga ay ka helaan.

Qish:

Erayo jaceyl 2021

Erayada raga jeceylihiin

Ninka Xaaskiisa si dhab ah u jecel

1. Dumarka waxa ay jecelyihiin raga nadaafada badan

Haddii aad Kamid tahay raga nadaafada badan, aan kuu hambalyeyno. Waxaad la jaanqaaday dumarka maanta. Ninka markuu yahay calaf raadis waxaa fiican inuu ka taxadiro nadaafadiisa.

Dumarku waxa ay raga inta badan ka fiiriyaan xaga nadaafada dhan walbaa gaar ahaan qeybaha la arki karo.

Tusaale: kobaha, dharka iyo Cijiyaha, marka ay wasaq ama wax mad madow ah ku jiraan, durbaba waxa ay u fahmayaan inaad tahay nin nadaafad xun.

Sidaa darteed sameey waxyaabahaan si aad u soo jiidato dareenkeeda.

  • Nadiifi cijiyahaaga
  • Mari jirkaaga Kareem
  • Noqo Qof wejigiisu furfuran yahay
  • Marso Barfuum oo iscarfi
  • Shaleey timahaaga

Markaad intaas ka taxadirto waxaad arkeysaa iyadoo isha kula raaceyso.

2. Dumarka waxa ay jecelyihiin raga u dhoolacadeeyo

Dhoolacadeyntu waa qeyb Kamid ah sunada Nabiga SCW, waana qeyb aad u muhiim ah. Waa mid Kamid ah qeybaha ugu muhiimsan ee lagu garto qofka soo jiidashada badan. Marka aad dhoolacadeyso waxaad muujineysaa inaa tahay qof saaxibtinimo leh misana la fahmi karo.

3. Raga xaragada badan

Markaad xarrago badan tahay, kaliya ma noqoneysid nin ka soocan raga kale ee sidoo kale waxaa soo jiidaneysaa dumarka oo idil gaar ahaan kuwo xarragada badan . Alla wiilkaas labiskiisu caadi ma ahan.

4. Raga aadka u degan

Dumarka marka ay raga ka xulanayaaan gayaankooda, waxyaabaha ugu horeeyo ee ay ninka ka fiiriyaan waa degenaantiisa. Haddii aad tahay nin degan, waxaad kamid tahay dumarka raga ay ugu jecelyihiin.

Dumarku kama fikiraan maanta oo kaliya ee waxa ay ka fikiraan beri. Ninka ay noloshooda la dhameysan doonaan inuu ahaado mid degan, xittaa haddii ay wax qaldan sameyaan. Ninku waa in uu ahaadaa mid u dulqaato, qaladaadkoodana fahansiiyo.

5. Raga muujiyo rabitaankooda

Waxaad aragtay xabadoo shidan oo sida Kiin Jaamac oo kale ah. Kala Xiran, dhex yar oo macaan leh.

Maalin walbaa waxaa la raacdaa isha. Weey ku soo fiirisaa laakin uma sheegan kartid rabitaankaaga, taasi ma ahan wax fiican. Ha sameyn sidaas oo kale.

Dumarka raga ay jecelyihiin waxaa kamid ah ninka u muujiyo rabitaankiisa. Nin aanan ka cabsan waxa uu rabo iyo waxa uusan rabin.

Dumarka ma jeclo nin leex-leexad badan oo ka muuqato kalsooni daro. Sidaa darteed noqo nin rabitaankiisa muujiyo.

Dumarka Raga Ay Jecelyihiin Waa Kuwo 10-Kaan Leh (2)

6. Raga aan dumarka bahdilin

Waxa ay kuu soo bandhigtay aragti, laakin aragtideeda kuma amaanin. Waxaa tiri „waxaas wax fiican ma ahan“ Dumarka taasi waxa ay u fahmaan in aad bahdileyso oo aadan aragtideeda qiimeyneynin.

Haddii ay aragti kuu soo bandhigto, ixtiraam xittaa haddii aysan ahayn mid qurux badan. Dumarka raga ay ugu jecelyihiin waxaa kmid ah ninka amaano kuna dhiirigaliyo fikradooda.

7. Raga balanta oofiyo

Dumarka ma jeclo raga aanan balanta oofin. Haddii aad lamanahaaga wax ka balan qaaday u oofi sida ay tahay. Haddii kale waxaa adkaaneyso in ay wax kale kaa rumeysato. Taasina uma wanaagsano xiriirka mustaqbalkiina.

Qofka aanan balanta oofin dumarka oo kaliya ma necbo ee waxaa sidoo kale neceb dadkoo dhan.

Xusuusnow: Diinteenu suuban waxa ay na fareysaa inaan balanta mar walbaa oofino.

8. Raga aanan dhacdhaca badneyn

Qeybtani waa qeyb aad u muhiim ah. Dumarku kama helaan nin dhacdhac badan oo xabadoo arkaba xabadiisa ah. Hadaladiisu aanan ahayn hadalo miisaaman.

U hadlo sida uu doono. Tani waxa ay sabab u noqoneysaa inaad single sii ahaato. Xabad walbaa oo aad jeclaato liifada kuu gaabiso.

Marka aad hadleyso ku hadal, hadalo miisaaman oo aanan qofna wax u dhimeynin.

9. Raga hadalka macaan leh

Raga ugu soo jiidashada badan waa kuw loogu magac daray shabeel nagood. Markeey hadlaan durbaba dumarka weey u riyaaqaan. Waxa ay ku hadlaan had iyo jeer hadalo macaan oo dareen leh sida hadaladaan oo kale: Hadalo macaan ah oo xul ah

10. Raga siiyo mudnaannta koobaad

Dumarka wax ay ka helaan raga siiyo mudnaanta koobaad misana u muujiyo.

Tusaale markaad rabto inaad wax sameyso, ku dheh: Sidee u aragtaa…. ?

Maxaa jeclaan lahayd…?

Aragtidaada waa inoo mihiim….. iwm.

Ugu dambeys

Waxaan rajeyn inaad nala dhacday qormadaan oo ay kaa caawisay waxyaabo badan. La wadaag asxaabtaada adigoo riixayo mid kamid ah calaamadaha Social Mediyaha ee halkaan hoose kaaga muuqdo.

Waad ku mahadsantahay booqashadaada!

Qoraa: Saabiriin Sabnaa – Cishqi-Team

Related Posts:

  • Raaxada dumarka fircooniga ah iyo Gudniinka
  • Dumarka Biyaha Iska Keena Iyo Dhibaatada Siigada
  • Oohinta Galmada: Dumarka Nuucaan Ah Waa Macaan
  • Dumarka Kacsiga Badan: Sidaan Maku Aragtay Xaaskaaga?
  • Xijaabka Iyo Quruxda Dumarka 2022
Dumarka Raga Ay Jecelyihiin Waa Kuwo 10-Kaan Leh (2024)
Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Geoffrey Lueilwitz

Last Updated:

Views: 6194

Rating: 5 / 5 (60 voted)

Reviews: 91% of readers found this page helpful

Author information

Name: Geoffrey Lueilwitz

Birthday: 1997-03-23

Address: 74183 Thomas Course, Port Micheal, OK 55446-1529

Phone: +13408645881558

Job: Global Representative

Hobby: Sailing, Vehicle restoration, Rowing, Ghost hunting, Scrapbooking, Rugby, Board sports

Introduction: My name is Geoffrey Lueilwitz, I am a zealous, encouraging, sparkling, enchanting, graceful, faithful, nice person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.